4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2018
Koonfur Galbeed – waxaan dilnay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

 

Jimco, July, 27, 2018 (HOL) - Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dileen xubno dagaalyahanno iyo saraakiil isugu jira oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

Nuura Diin Yuusuf oo ah afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiisha la dilay uu ka mid ahaa wiil Al-shabaab ugu magacaaw-naa deegaanka Ufurow oo ka tirsan gobolka Baay.

Laakiin afhayeenku ma uusan sheegin magac-yada dagaalamayaasha iyo saraakiisha ka tirsanaa Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda wali sii wadaan howlgalada ka socda deegaannada uu maamulku ka arrimiyo ee ku jira gacanta Al-shabaab.

Koonfur Galbeed waxaa ay ka mid ah deegaannada ay wali ku xoogga badan yihiin Al-shabaab, iyaga oo go’doomin iyo weerarro joogta ah ku haya degmooyinka ay maamusho dowladda ee gobollada Baay iyo Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]