Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga
Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi
ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u
xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in miraha Shirkii Iskaashiga Soomaaliya ee
Muqdisho lagu qabtay Diseembar 2017-kii, ay ka mid ahayd qorsheyaasha lagu
hormarinayo siyaasadda loo dhan yahay, kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta
laamaha amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
“In la tixgeliyo oo la dhiirigeliyo rabitaanka Soomaaliya waxay na siinaysaa
awood iyo kalsooni. Waxaan ogsoonnahay in aan si degdeg ah lagu xallin karin
dhammaan caqabadaha ka jira Soomaaliya, laakiin qorsheyaal wax ku ool ah, shaqo
hufan iyo qiimeyn joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo gaaro natiijooyin la
taaban karo. Waa in aan marnaba la oggolaan in la wiiqo geeddi-socodka,
wadashaqeynta, xasilloonida, isla-xisaabtanka iyo horumarinta Soomaaliya.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay dowladdu
ka samaysay kordhinta dakhliga oo qayb ka ah qorshaha deymaha lagaga cafinayo
Soomaaliya, xoojinta amniga iyo diyaarinta hannaanka dimuqraadiyadda
doorashooyinka 2020-ka.
“Dadaalladaas idilkood waxaa udub dhexaad u ah in dhammaanteen aan si buuxda
kaalinteenna uga qaadanno dowlad-dhiska iyo hirgalinta ajendayaasha ina
horyaalla, innaga oo dhanka kale xoojinayna wadashaqeynta aan la leennahay
beesha caalamka iyo bah-wadaagta kale.”
Madaxweynaha oo bogaadiyey wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Dowladda
Dhexe iyo Dowladda Goboleedyada dalka ayaa sheegay in siyaasadda guud ee Dowladda
Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi iyo wax wada-qabsi.
“Madaama aan nahay dal ka soo kabanaya dagaallo sokeeye, waxaa naga go’an in
aan beegsanno taladda saxda ah, innagoo shacab iyo dowladba wada soconna. Ma
jiro, mana jiri doonto qof Soomaali ah oo laga tagayo ama laga xigsanayo
gaarista horumarka aan higsanayno.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa guddoomiyey shirka ganacsatada, isagoona ka
jeediyey khudbad uu ku boorriyey ganacsatada iyo maalgashadeyaasha in ay
kaalintooda ka qaataan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la
qaatay wakiillo ka socda haweenka, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Sweden Marwo
Margot Wallström, Wasiirka Socdaalka dalka Canada, Mudane Axmed Xuseen iyo
masuuliyiin kale.
Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee Brussels waxaa ka qeyb galay Ra’iisul
Wasaare Kuxigeenka XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka
Gobolka Banaadir iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa goobjoog ku ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Midowga Yurub
Federico Mogherini, Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda Rosemary
Diclo iyo Ergada Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Midowga
Afrika ee Soomaaliya, Ururradda Bulshada Rayidka, Safiirro iyo Wakiillo ka
socday qaar ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]