3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
Akhriso Khudbaddii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Brussels

Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khudbad ka hor jeediyay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaa oo ka soconaya magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka

Khudbada madaxweynaha :

Waxaa farxad iyo sharaf weyn ii ah inaan maanta halkan ku suganahay aniga oo idin kala hadlaya dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya, si loo gaaro soo-kabasho dhaqaale, iyadoo loo marayo hannaan maalgelin oo casri ah.

Soo kabashada dhaqaale waa qodob mudnaan u leh dawladdayda oo ay aaminsan tahay in uu xoojinayo deganaanshaha, maalgashiga, shaqo-abuurka iyo soo celinta guud ahaan rajada shacabka.

Soomaaliya waxa ay abaal u haysaa dhammaan qaybaha caalamka ee nagala shaqeeya dhiirrigelinta horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanna caddaynaynaa, dawlad ahaan, in ganacsiga gaarka loo leeyahay uu yahay qayb muhiim u ah horumarka.

Ugu horreyntii, waxa aan garwaaqsanahay doorka muhiimka ah ee ganacsatada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin soo kabashada Soomaaliya. Waqtiyadii adkaa, ganacsato dhiirranaan leh ayaa maalgashaday adeegyada asaasiga ah, taas oo dadkayaga u suurtagalisey in ay caalamka ku xirnaadaan. Dadaalladaas haatan waxa ku soo biiray qorsheyaal ganacsi oo lagu ballaarinayo saaxadda dhaqaale, iyadoo lala imaanayo hal abuur iyo aragti cusub. Sidaas oo ay tahay, waxa weli loo baahan yahay in la maalgaashado kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka ah, si loo kordhiyo wax-soosaarka iyo fursadaha dhaqaale.

Dawladdani waxa ay ganacsiga gaarka ah u aragtaa mid laf-dhabar u ah horumarka iyo dib-u-soo-kabashada dalka.

Waxaa naga go’an in aan noqonno maamul u roon ganacsiga iyo ganacsatadaba, annaga oo abuurayna deegaan maalgashi oo habboon, si ganacsatadu, kuwii hore iyo kuwa danbeba, ay u guuleystaan.

Soomaalidu dabeecad ahaan waa dad ganacsi, dawladduna waxa ay u suurtagelinaysaa fursadaha ugu badan si loo gaaro guul bulsho iyo mid dhaqaale.

Sidaasi darteed, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka ah waa yool lagama maarmaan ah oo aan ku kalsoonahay in lagu gaari karo iskaashi.

Laga soo bilaabo kulankeennii London ee sannadkii hore, waxaa la ansixiyay Sharcigii Maalgashiga Soomaaliya, iyadoona la aasaasay Guddiga Maalgashiga Qaranka. Xeerkii Isgaarsiinta sharci noqday, waxaana dhidibbada loo taagey hay’addii maamuli lahayd.

Dawladdda Federaalku waxa ay xoojisay wada hadallada kala dhexeeya ganacsatada gaarka ah iyada oo ujeedkeedu yahay in dhaqaalaha la kobciyo, lana kordhiyo kalsoonida maalgashadaha. Waxaa kale oo la hagaajiyey siyaasad-dejintii la xiriirtay dhaqaalaha iyo cashuuraha. Waxaa hubaal ah in dadaalladani ay keeni doonaan adeegyo badan, isla markaana kordhin doonaan dakhliga dawladda ee gudaha, si dib loogu maalgaliyo isbeddelka Soomaaliya.

Waxaan ogsoonnahay in ganacsatada iyo maalgashadayaashu ay u baahan yihiin in loo ilaaliyo hantidooda iyo hal-abuurkooda, si ganacsiga gaarka loo leeyahay uu doorkiisa oo buuxa uga ciyaaro soo kabashada Soomaaliya. Waxa kale oo ay u baahan yihiin inay helaan bangiyo iyo hay’ado maaliyadeed oo uu u maalgeliya ganacsiyadooda, una ilaaliya hantidooda.

Dawladdani waxa ay samaynaysaa dadaal kasta oo ay kor ugu qaadayso tartanka ganacsiga, hal abuurka iyo in la sameeyo iskaashiyo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo lagu dardargelinayo maalgashiga qaybaha muhiimka ah ee Soomaaliya sida ganacsiga beeraha, xoolaha, kalluunka iyo tamarta.

Iskaashiyadani waxa ay faa’ido weyn u leeyihiin maalgashadayaasha iyo dadka labadaba, gaar ahaan, haddii ay abuuraan hannaan oggolaanaya in badeecado iyo wax soosaar badan lagu sameeyo gudaha Soomaaliya, loona iibgeeyo suuqyada maxalliga ah iyo kuwa caalamka.

Ganacsigu waa uu ka jiritaan iyo sharaf badan yahay kaalmada. Tani waa xaqiiqo aannu si fiican u fahansannahay, waxaana xoogga saaraynaa in dadaalladani ay miradhalaan. Ilaa iyo markii ay xukumaaddani la wareegtey talada dalka, waxaanu heshiisyo la saxiixannay saaxiibbo muhiim ah, si loo kordhiyo ganacsiga iyo maalgashiga. Waxa aannu ka shaqaynaynaa dib ugu biirista Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga, Ururka Ganacsiga Waddamada Koonfurta iyo Bariga Afrika (COMESA), waxaan kale oo qiimaynaynaa sidii aannu uga faa’idaysan lahayn isdhexgalka dhaqaale ee heer gobol. Sidoo kale, waxa aan ku rajaweynahay in heshiisyadani ay Soomaaliya dib ugu xiri doonaan suuqyada caalamiga ah.

Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin maalgashi, waxa ayna mudan yihiin taageero si ay u kobcaan. Dhinacayaga, waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa Bangiyada Soomaalida ee gaarka loo leeyahay inay sii wadaan taageeridda ganacsiyadii hore iyo kuwa cusub, maxaa yeelay taas ayaa xasilinaysa Soomaaliya, kordhinaysa fursadaha, abuuraysana barwaaqo waarta.

Ugu danbayntii, dardargelinta maalgashiga ganacsiga gaarka loo leeyahay si soo kabasho dhaqaale loo gaaro waxa ay u baahan tahay aragti, dhiirranaan iyo iskaashiyo micno leh.

Waa in aan fursado u abuurnaa da’yarteenna si ay jiilkooda iyo kuwa ka danbeeyaba ugu abuuraan mustaqbal barwaaqo leh.


Haddii aan iska kaashanno gaarista yoolkan, waxa aan abuuri karnaa rajada ay da’yar badani ka baadigoobayso dibadaha, taasi oo naga luminaysa ka faa’idaysiga awoodda dhallinyaradaas.

Taas ayaa ah waddo la hubo oo ay Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ahi si wadajir ah ugu faa’idayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/17/2018 3:48 PM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeeyb qaatay guddoominta Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay maanta haystaan fursad taariikhi ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo hor-u-socodka dalka, taas oo dhabaha u xaareysa in la gaaro himilooyinka shacabka.

7/17/2018 10:37 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta khudbad ka hor jeediyay shirka heerka caalami ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaa oo ka soconaya magaalada Brussels ee dalka Belgium –ka

7/17/2018 10:33 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Kadib kulan qaatay sedex maalmood oo ay magaalada Kismaayo ku yeesheen wasiirro iyo wasiir kuxigeenno ka socday wasaaradaha kalluumeysiga iyo khayraadka badda dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay maanta shirkooda kasoo saareen war murtiyeed.

7/17/2018 8:00 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Waxaa lagu wadaa in ilaa galinka danbe ee maanta la soo gabagabeeyo Shirka Brussels ee looga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo ay soconayaan kulamo gar gaar ah oo ay leeyihiin madaxda shirka ka qeybgaleysa.

7/17/2018 7:42 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Khilaafkan oo u muuqda mid salka ku haya kala sareynta mas’uuliyinta dowladda iyo cidda ay tahay in ay sii waddo shaqada Wasaaradda marka uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.

7/17/2018 2:43 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay dagaallada u dhaxeeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, isaga oo ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaalladaas.

7/17/2018 1:33 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) – Baarlamaanka dalka Masar ayaa Isniinti shalay ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.

7/17/2018 1:16 AM EST
Ururka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Haweenka ee Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo VEAW, ayaa magaalada Minneapolis ku qabtay kulan looga hadlayay, Islaam-Nacaybka, Dambiyada salka ku haya isir-nacaybka iyo sidii ay bulshadu door uga qaadan lahayd nabad ku wada noolaanshaha.

7/17/2018 12:34 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)–Ururrka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

7/17/2018 12:19 AM EST
Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay culima’udiinka Soomaaliyeed kala hadashay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Ururrka Al-shabaab oo todobaadyadii ugu danbeeyay xoojiyay weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda.