4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
ONLF oo ka hadashay dagaalka u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida

 

Talaado, July, 17, 2018 (HOL) –Ururrka ONLF ayaa markii ugu horeysay bayaan ka soo saaray dagaalka u dhaxeya Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya, kaa oo sababay khasaare ballaaran oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabduqaadir Xassan Hirmooge Cadaani oo ah afhayeenka Ururka ONLF oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada Qowmiyadood ku dhinteen tiro ka badan 50 ruux.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayuu Hirmooge ugu baaqay in ay soo fara-galiso dagaallada u dhaxeeya Labada Qomiyadood oo haddii aan laga hortagi sida uu hadalka u dhigay yeelan doona cawaaqib aan la mahdin.

Ururka ONLF ayuu sheegay in uu aamin-san yahay in Labadan Qowmiyadood yihiin dad walaalo ah, sidaasi darteed-na ay goor hore ku war-geliyaan Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed  in xukuumaddiisa ay wax ka qabato dagaaladan soo laa laabtay.

Dalka Itoobiya waxaa hadda ka jira isbadal xowli badan ku socda oo uu waddo ra’iisal wasaaraha cusub ee dalkaas Abiy Ahmed, waana tan keentay in Ururka ONLF oo mid ah Ururrada ugu xoogan dalkaas uu baaqani soo saaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]