4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2018
Wasaaradaha Kalluumeysiga dowlad goboleedyada oo xiriirka u jaray wasaaradda kalluumeysiga dowladda dhexe
Talaado, July, 17, 2018 (HOL)-Kadib kulan qaatay sedex maalmood oo ay magaalada Kismaayo ku yeesheen wasiirro iyo wasiir kuxigeenno ka socday wasaaradaha kalluumeysiga iyo khayraadka badda dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay maanta shirkooda kasoo saareen war murtiyeed.

Wasiirradan ayaa ku eedeeyay wasaaradda kalluumeysiga dowladda dhexe in aysan la lahayn wasaaradaha heer dowlad goboleed wadashaqeyn iyo la tashi, ayagoo xusay in ay arkeen daahfurnaan la'aan iyo wadashaqeyn la'aan iyo la tashi la'aan ku aadan heshiisyo kalluumeysi iyo ruqsado ay bixisay wasaaraddu oo aan laga talo galin dowlad goboleedyada ay xiriirka u jareen wasaaradda.

Halkan hoose ka aqriso war murtiyeedka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.