Talaado, July, 17, 2018 (HOL) -Dowladda
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay culima’udiinka Soomaaliyeed kala hadashay
in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro Ururrka Al-shabaab oo todobaadyadii
ugu danbeeyay xoojiyay weerarrada ka dhanka ah xarumaha dowladda.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda
Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kulan uu la qaatay qaar ka mid culimada
Soomaaliyeed kala hadlay in ay qeybtooda ka qaataan ka hortaga falalka isugu jira
xagjirnimada iyo argagixisada.
Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah
culima’udiinka Soomaaliyeed qeyb-na ka ahaa kulanka ayaa warbaahinta u sheegay
in leys dhaafsaday xog la xiriirta amaanka dalka iyo sidii ay culimi’mada
Soomaaliyeed kaalintooda u qaadan lahaayeen, isaga oo dhinaca kalana sheegay in
ay dowladda siiyeen tallooyin muhiim ah oo u baahan in la raaco.
“Waxaan yeelanay kulan muhiim ah, Ra’iisul
Wasaaraha tallooyinkii aan u gudbinay wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo,
wuuna naga qanciyay, dowladdu waxay heysaa shaqo badan, annagana wixii
karaankeena ah waan ku biirin doonaa” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.
Waa tallabaadii ugu horeysay oo dowladdu qaato si culima’udiinka kaalin mug
leh looga siiyo howlaha lagu sugayo amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro
Al-shabaab.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]