3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Wasiirka Duulista Hawadda DF Soomaaliya oo war ka soo saaray shirkaddaha diyaaradaha qaarkood

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in diyaarad aan sharuudaha looga baahan yahay u dhameystirneyn ay ka shaqo gali garin Garoonka Diyaaraha Adan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si loo hubiyo adeegyada ay u baahan yihin diyaaradaha kasoo dego iyo kuwa ka baxa Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho iyo badqabka isticmaalka hawada dalka ayuu ku saleysnaa kormeerka maanta wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada oo ay wehliyaan maareeyeyaasha Garoonka.

Maareeye ku-xigeenka Amniga iyo Maamulka Garoonka  Duuliye  Ceydaruus Axmed Kaahiye ayaa wasiirka uu sheegay in shaqada diyaaradaha ka soo dego oo kor u kacay, islamarkaan ay jiraan shirkado soo codsaday in ka Howlgalaan Gudaha dalka.

’’Maalintii diyaarahada kasoo dego karoonka waxaa ay  gaareen in kabadan 50 islamarkaana shaqada Garoonka ay Sii balaaratay haatan waxaa jira codsiyo farabadan shirkado diyaarado oo rabo in ay ka howlgalaan gudaha dalka ’’’ ayuu yiri Duuliye Ceydaruus Axmed Kaahiye.

Wasiirka ayaa faray Shirkadaha diyaaraha iney ka shaqeeyaan in rakaabyada ay  heleen adeegyo dhammeystiran waxa kale uu sheegay in ganacsatada aan sharuudaha looga baahan yahay buuxinin aysan ka Howlgalin Karin Garoonka.

’’Laga bilaabo maanta ay tariiqdu tahay 12 07-2018 waxaa la farayaa in shirkadaha diyaaradaha ee ka Howlgalo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqisho looga baahan yahay sharuudaha in ay shaqeeyaan badqabka rakaabka cidii dhammeystiri weysana aysan ka shaqeyn Karin Garoonka Adan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sidoo kale sheegay in Wasaraadda oo kaashaneysa Dowladda ay diyaar ula tahay shaqalaaha in la sii tababaro dheeraad si ay u guttaan shaqada loo Emma day.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/12/2018 1:50 PM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL ) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo munaasabadii furitaankana uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka qaranka Maxamed Sheekh Mursal iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre.

7/12/2018 10:32 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin amniga dalka, hiigsiga dhaqaalaha 2040-ka, Sharciga hanti-dhawrka, siyaasadda kormeerka iyo qiimaynta iyo Soo noolaynta barnaamijka waciyi-gelinta qaranka.

7/12/2018 7:54 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Midowga Yurub ayaa sheegay inay Soomaaliya ugu yaboohi doonaan dhaqaale gaaraya €89 Million oo Yuuro, oo u dhiganta ku dhowaad $105 Million oo Doollar, sida Arbacadii Shalay laga soo xigtay guddida Yurub.

7/12/2018 6:54 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagula eegtay ciidamada AMISOM xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.

7/12/2018 3:47 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa u doortay Donald Yamamoto in uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo badallaya safiirkii hore Stephen Schwartz..

7/12/2018 2:08 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Maanta oo kale 12kii July, sanadkii 1993dii, 25 Sano ka hor ayeey ku beegan markii diyaarado laga leeyahay dalka Mareykanka duqeyn ku dileen 73 Qof ku guri ku yaala magaalada Muqdisho.

7/12/2018 1:19 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirada Arrimaha Dibadda dalalka Somalia, Mauritania, Tunisia, Yemen and Libya, wuxuuna kala hadlay xaaladaha dalalkooda ku saabsan.

7/12/2018 1:03 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland,Maxamuud Yaasin Axmed (Tumay) ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad lugu qabtay xarunta gobolka Mudug wuxuu soo bandhigey qorshe cusub oo u sheegay in lugu doonayo siddii magaalada Gaalkacyo ay ku noqon lahayd magaalada ugu xasilloon dalka.

7/12/2018 12:57 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal duqeeyeen saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulada Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolkaasi.

7/12/2018 12:48 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

7/12/2018 12:42 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jirdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.

7/12/2018 12:38 AM EST
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL)– Ismaamulka Soomaalida ee dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in laga sii daayay xabsiga Jeel Ogaadeenaya ee magaalada Jigjiga maxaabiis kale oo aad u badan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.