4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
UAE oo lagu eedeeyay in ay danbiyo dagaal ka gashay Yemen

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedaysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo ciidamada amniga ee Yemen ee Imaaraadka xulufada la ah inay geysteen dambiyo dagaal, iyaga oo lagu eedeeyey inay jirdileen dad ku jiray xabsiyo qarsoodi oo ka jira dhammaan koonfurta Yemen.

Warbixinta Amnesty ayaa lagu yiri “Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo xaalado aan caddeyn kaga shaqeynaya Koonfurta Yemen ayaa u muuqda inuu abuuray hanaan amni oo aan sharci ahayn, iyada oo la geystay xadgudubyo laga argagaxo, oo wali socda iyaga oo waxba laga qaban.”

Dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si soo noqnoqatay u diidday in xabsiyo qarsoodi ah ay leedahay. Waxay sheegtay in maamulka Yemen uu si buuxda gacanta ugu hayo hanaanka caddaaladda iyo xabsiyada dalka.

Amnesty ayaa Maraykanka ugu yeertay in uu meel adag ka istaago adeegsiga jirdilka ee dalka Yemen ka dhacaya, isla markaana uu diido macluumaadka lagu helay iyada oo la adeegsanayo hababkaas, marka dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Isha Warka VOA