Maamulka Hirshbeelle oo codsaday in la soo xiro dadkii ka danbeeyay kufsiga haweeney 85 jir ah
Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku
xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo guddoomiye ku
xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay
gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la
soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe
ayaa amar ku bixiyay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigaan isla
markaana sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay fal kufsi ah oo loogu geystey
mid kamid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Jowhar haweeney 85 sano jir ah.
“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan
ciddii gacan ka geysata sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falka
kufsiga ah oo aan hore loogaga baran gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayuu yiri
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Saraakiisha Booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa dhwaan soo bandhigay Saddex
nin oo la tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayeen falka kufsiga ah, balse cadeymo
rasmi ah laguma hayo.
Falkan Kufisiga ah ee ka dhacay Jowhar ayaa lagu sheegay in uu ahaa kii ugu
foosha xumaa ee ka careysiiyay dad badan marka la eego da’da haweeneyda falkan
uu ku dhacay oo hadda ku jirta Isbitaalka Jowhar.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]