Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland,Maxamuud Yaasin Axmed (Tumay) ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad lugu qabtay xarunta gobolka Mudug wuxuu soo bandhigey qorshe cusub oo u sheegay in lugu doonayo siddii magaalada Gaalkacyo ay ku noqon lahayd magaalada ugu xasilloon dalka.
Tumay, wuxuu bulshada horteedda ka ballan-qaaday " Gaalkacyo oo aan qori lugu dhex-wadan oo aan la baqeyn in muddo saddex bilood ah la gaaro " wuxuu marka si cad u sheegay qorshaha inuu miiska saaranyahay.
Guddoomiyaha ayaa inta ku daray in dadaalka ugu badan ay ku bixin doonan siddii dib loogu soo celin lahaa muhiimadda ay magaalada Gaalkacyo u lee'dahay dalka,taasna waxaa lugu gaari kara sidda uu sheegay in la helo nabadgalyo la isku haleyn karo.
Ballan-qaadka guddoomiyaha degmada ayaa bulshada qaar oo la hadlay Hiiraan Online, waxay u arkan mid adag -maaddaama aysan si sahal ah u hirgali karin hubka ka dhigis, laakin hadda xasillooni ayaa ka jirta magaalada tan iyo markii la aasaasay ciidamo isku dhaf ah oo howlgallo wadajir ah fuliya.