4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Waare oo daah furay Kalfadhiggii Afaraad ee Baarlamaanka dowlad gobolleedka Hirshabeelle


Khamiis, July, 12, 2018 (HOL ) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle iyadoo munaasabadii furitaankana uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka qaranka Maxamed Sheekh Mursal iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre.

Waare oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka Hirshabelle.

Arrimaha uu ka hadlay Madaxweyne Waare ayaa waxaa ka mid ahaa kuwa taabanaya dhinacyada Amniga, Dib u dhiska, Siyaasada iyo arrimo kale oo faro badan.

“Waxa aan dooneynaa in dhowaan amniga guud ahaan Hirshabelle nabad lagu soo dabaalo isla markaana aan ka xoreyno kooxaha” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo ka hadlayay arrimaha Amniga.

Isagoo ka hadlayay arrimaha dib u dhiska ayaa waxa u sheegay Madaxweyne Waare in dhowaan laga hirgelin doono caasimada Hirshabelle xarun ay leeyihiin Golaha Shacabka iyo xarumo kale oo ay wasaaradaha ku shaqeyn doonaan.

Dhanka siyaasada ayuu sheegay Madaxweyne Waare in ay jiraan dad doonaya in aysan horumar gaarin Hirshabelle oo wax walba oo la xirxiro dib u furfuraya balse ma cadeyn cidda ay yihiin kuwaas.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle inay dardar geliyaan howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan sidii loo anisixin lahaa hindise sharciyeedyada horyaala.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]