Xarrakada Al-shabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay waxyaabihii ay isku qabteen Mukhtaar Rooboow
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Xarakada Al-Shabaab ayaa markii u horeysay
war ka soo saaray mowqifkooda ku aadan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur
oo wada hadal kula jira dowladda Soomaaliya, isla markaana isku soo dhiibay
bishii August ee sanadkii hore, bil kaddib markii uu Mareykanka ka saaray
liiska argagixisada.
Hadalka Afhayeenka Al-shabaab ayaa sidan u dhignaa :
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa
sheegay in muddo uu soo jiray kala duwanaansho u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo
Mukhtaar Roobow, isagoo xusay inuu isugu jiray dhowr arrimo oo ay ka mid tahay
Caqiidada.
“Arrinta koowaad waxaa la ogsoon yahay in dalka ay aad ugu baahsanaayeen
Hey’addo kirishtaan ah oo ku gambanayay inay yihiin Samafal, waxay dalka ku
hayeen boob, raggaadin dhaqaale, waxay faafinayaan kirishtaanimo, anshax xumo
iyo Laakiin markay Allah mahadiis hanaqadeen wilaayaatka islaamiga, waxay
bilaabeen mujaahidiintu iney daba galaan hawlaha qarsoon ee hay’aduhu ka hayeen
Wilaayaatka Islaamiga, kana hortagaan ajandayaasha qarsoon ee kirishtaanku ay
ka wadeen dalka, Arrintaasi way u cuntami waysay muktaar roobaw, waxayna ku
bixisay in uu garabka saaro hay’adaha gaalada, difaacana ajandayaashooda
gurracan, isagoo lalahaa xiiriro hoose, kulano iyo shirar qarsoodiyaoo uu la
qaadanayey”ayuu yiri Cali Dheere.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadaan hey’adahaas, isla
markaana laga mamnuucay deegaanada ay ka howl galayeen, hase ahaatee waxaa uu
tilmaamay in Mukhtaar Roobow uu sii waday xiriirka uu la lahaa hey’adaha, isla
markaana dhowr jeer oo hore ku goodiyay inuu ka baxayo Al-Shabaab, kana hadlayo
warbaahinta, isla markaana dhaleeceynayo hadii aan loo yeellin sida uu doonayo.
Cali Dheere ayaa sheegay in arrinta labaad ee uu doonayay Mukhtaar Roobow ay
aheyd inuu u hoggaansamo dalabaadka Beesha Caalamka, isla markaana wada hadal
lala galo dowladda Federaalka.
Waxaa uu sheegay in la isku la isku dayay in mujaahidiinta la kala jabiyo
lana dacmiyiyo Muqtaar Roobow balse laga hor tagay arrintaas shirqoolka ah,
sida uu hadalka u dhigay.
“Go’aankaas uma cunanmin Mukhtaar Roobow, aakhirkiina waa tan keentay inuu u
hogaansamo waxa loogu yeero beesha caalamka iyo dowlada ridada ee ay beesha
caalamku dhisatay si ay ugula dagaalamaan ku dhaqanka sharciga Alaah” ayuu yiri
Sheekh Cali Dheere.
Cali Dheere ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow uu marar badan isku dayay
shirqoolo, isagoo ku sugan deegaanada Shabaabka joogeen, isla markaana isku
daygii ugu dambeeyay uu ku baxay, balse aysan ka hortageen sidii loogu tala
galay.
“Qorshaha ay gaaladu damacsaneyd ee Roobowna uu waafaqay ayaa aheyd in
ciidan lagu diyaariyo gudaha wilaayaadka Islaamiga ah, Roobowna uu qaato
hirgelinta abaabulka ciidan, dhaqaalaha iyo hubka ku baxayana ay bixiso dowlada
mareykanka, iyadoo gacan saar kala yeelaneyso dowlada itoobiya.
Allah mahadii
waxaa ah in hubkii loo soo dhiibay in badan oo ka mid ah ay
Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.
Hadafka ay lahaayeen gaaladuna wuxuu ahaa in
ay ugu suureeyaan ummada inuu yahay dagaal u dhaxeeyo dad muslimiin ah ka hor
tageen, gacantana ku dhigeen hub ay shisheeyuhu usoo dhiibeen”ayuu yiri Cali
Dheere.
Cali Dheere ayaa sheegay ugu
danbeyntii in aysan Mukhtaar Roobow u
hirgeli doonin qorshaha uu wato, isla markaana uu mari doono wadadii ay mareen
raggii isaga ka horeeyay oo uu soo hadal qaaday Axmed Madoobe iyo Sheekh
Shariif.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]