4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Maxkamadda degmadda Berbera oo laba wariye xukunno ku riday

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) -Maxkamadda degmadda Berbera ayaa maanta xukunno ku riday laba suxufi oo uu hore u soo dacweeyey maayarka magaaladda Berbera Cabdicashuur Cidin.

Maxkamadda degmadda Berbera ayaa toddoba bilood oo xadhig ah ku xukuntay labadan wariye ee magacyadoodda kala yihiin Cabdiraxmaan Maxamed Cigge oo ka hawlgala Saab Tv, xaruntiisa Berbera iyo Axmed Siciid Maxamed oo isna ka hawlgala Television Eryal.

Labadan wariye ayaa lagu eedeeyey inay warar been ah ka baahiyeen Maayarka degmadda Berbera, waxaanay maxkamadda Berbera ku xukuntay xukun dhan toddoba bilood.

Sidoo kale, waxa xabsiga Boorama ku jira laba wariye oo iyagana maxkamaddi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xadhig ah.

Xukunkan wariyeyaasha waxa cambaareeyey wriyeyaasha madax banaan ee ka hawlgala Somaliland, waxaanay ku tilmaameen cabudhi ka dhan ah saxaafada madax banaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.