4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo xalay lagu dilay magaalada Beledweyne

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) – Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne Askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ,waxaana la sheegay in Ragga toogashada geystay qaateen Qorigii uu uu sitay Askariga.

Askarigan toogashada lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Xassan Gudaaye sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Dilka ayaa imanaya xili habeen hore kooxo hubeysan sidoo kale Xaafadda Buundo Weyn meel aan ka fogeyn farisiin ciidamada dowlada ku lahaayeen ku toogteen Askari ka tirsanaa ciidamada Asluubta ee gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan wali wax war ah kama uusan soo saarin dilalkan is xig xigay ee ka dhacay magaalada .

Hiiraan Online