4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 15, 2018
Saraakiil dhalinyaro ah oo markii ugu horeysay loo dhiibay hogaanka qaar ka mid ah saldhigyada gobolka Banaadir

 

Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) – Arrintan ayaa u muuqatay tallaabo sare loogu qaadayo Tayada ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay taliyayaal u qaadanaya saraakiil dhalinyaro ah oo ka baxday Jaamacadaha dalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay taliska Booliiska in taliyayaasha ciidamada loo magacaabo dhalinyarada wax baratay ee da’yarta ah.

Labo ka mid ah dhalinyaradii ka baxday jaamacadaha ee ku biiray Taliska Booliska, oo dhawaan darajooyin loo xiray ayaa loo magacaabay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Shibis iyo Boondheere.

Cali Xasan Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Shibis, halka Cabdi Wakiil C/llaahi loo magacaabay taliyaha Booliska saldhiga degmada Boondheere, waxaa xilalka laga qaaday taliyeyaashii hayay oo ahaa kuwo aad uga da’ weynaa dhalinyaradan la magacaabay.

Waa dhiiri-galin taliska Booliisku u sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka wax ku baratay si ay qab uga noqdaan sugida Amniga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]