Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dalka Switzerland uga qeyb gelaya shirka dhaqaalaha adduunka
Isniin, Janaayo, 15, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha
Dhaqaalaha Aduunka Kaasi oo ka furmidoono Dalka Switzerland.
Shirka oo ay ka qeybgali doonaan hogaamiyaal ka kala socda wadamada Caalamka
ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo
caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto,wuxuuna furmayaa
bishan Janaayo gudaheeda.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda
Qaaradda Africa ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota
wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha.
Shir ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya,maadaama ay kujiro wadamo
yar oo Africa ka tirsan,kuwaasi oo si gaar ah loogu casuumay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale wuxuu kulamo kala duwan la qaatay madaxda
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku
saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.
Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan
dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]