Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho
ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan
(Eng.Yarisow) oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka
Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa kala
hadlay sidii loo joogteyn lahaa adeegyada caafimaad ee hay’addan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in gargaarka deg-degga
ah ee hay’addan uu kaalin muhiim ah kasoo qaatay badbaadinta muwaadiniin badan
oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku dhaawacmay falalkii arxan darrada ah ee kooxda
argagixisada Alshabaab ay ka geysatay Gobolka Banaadir.
“Shaqadii iyo dadaalkii aad soo waddeen muddada
12-ka sano ahayd ee la soo dhaafay, waxa ay ahayd mid muhiim ah oo ay idiin
ogsoonyihiin shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Waxaan rajeynaynaa in aad
dadaalkiinna sii waddaan una dhabar adeygtaan duruufaha idin soo food saari
kara.”
Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in
maamulka Gobolka Banaadir ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa
caqabadaha haysta Aamin Ambalaas, isagoo ku baaqay in taageero badan la siiyo
Aamin oo ah adeegga Ambalaas kaliya oo bilaashka ah ee ka jira Caasimadda
shaqeeyana afar iyo labaatanka saacadood maalin kasta.
Guddoomiyaha Hay’adda Gaadiidka Gurmadka
Caafimaadka ee Aamin Ambalaas Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji ayaa uga mahad
celiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida deg degga ah ee ay uga jawaabeen baaqii
ay dhaween soo saartay hay’addu.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo midka Hay’adda
Aamin Ambalaas ayaa isla qaatay in la sii wado shaqada ay hayaan gaadiidka
deg-degga ah ee Aamin, iyadoo qorshe laga yeelanayo xal u helista caqabadaha ka
haysta dhanka dayactirka iyo xereynta gaadiidka, xafiisyada shaqada iyo
tayeynta shaqaalaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]