
Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay Garsoore-yaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoore-nimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:
– Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.
Madaxweynaha ayaa isla wareegtadan xilalkii Garsoore-nimo ee Maxkamadda uga qaaday xubnaha kala ah:
– Mudane Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.
– Mudane Maxamed Maxamuud Maxamed.
– Mudane Maxamuud Axmed Faarax.
– Mudane Sheekh Cumar Aadan Maxamed.
– Mudane Cabdinaasir Seeraar Axmed.
– Mudane Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey Garsoore-yaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]