4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Wasiir Cawad ‘’ Wey-nu ku taageernay Sacuudiga in aan la soo fara-galin siyaasadeeda gudaha

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaarrada arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagtay dowladda Sacuudiga oo khilaaf dhinaca Diblomaasiyada ah uu soo kala dhax-galay dalka Canada.

Wasiirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga in aan la fara-galin arimaheeda gudaha, isaga oo intaa ku daray in si taa la mid ah ay Soomaaliya u taageeri laheyd Canada haddii la soo fara-galiyo arrimaheeda gudaha.

Isaga oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya xaq u leedahay in ay ka hadasho mowqifkeeda siyaasiga ah ee ku aadan waxa ka dhaca dunida inteeda kale oo aysan iska fiirsan doonin oo kaliya.

“Dhab weeye waanu ku taageernay dowladda Sacuudiga in aan la fara-gelin arrimahooda gudaha, si taa la mid ah ayeey-nu Canada u taageeri laheyn haddii la soo fara-galiyo siyaasadeeda gudaha ayuu yiri Wasiirka Cawad.

Dowladda Canada wali dhinaceeda wax war ah kama soo saarin mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka kala dhaxeeya dalka Sacuudiga, hasse ahaatee go’aanka dowladda waxaa ka hor yimid oo diiday qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Canada.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya dhinac la safato marka la eego siyaasadeeda arrimaha dibadda ee ka dhanka ah khilaafka soo kala dhax-gala dowladdaha, madaama horay go’aan dhax-dhaxaadnimo uga qaadatay khilaafkii wadamada khilaafkii soo kala dhax-galay wadamada Khaliijka oo is baheysi uu hogaaminayo Sacuudiga xiriirka ugu jireen dowladda Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]