Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Xukuumadda
Soomaaliya ayaa raadineysa guddoomiye cusub oo uu yeesho Bankiga dhexe ee
Soomaaliya, kaddib xayiiysiin ku soo baxday Wargeyska todobaadlaha ah ee ka
faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ee The Economist.
Guddoomiyaha xiligan ee Bankiga
dhexe Bashiir Ciise ayaa la filayaa in bisha November uu ka baxo shaqada
Bankiga, taasoo keentay xukuumadu soo bandhigto xayiiysiinta loogu tartamayo
gudoomiyaha Bankiga.
Wasiirka Maaliyada xukuumadda
Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya
raadineyso qof ku haboon shaqadan isaga oo yiri’’ Waxaan rabnaa in aan qorano qof ku haboon
shaqadan, haddii ay yihiin Soomaali
ama aan Soomaali ahayn [Anjabi]" ayuu yiri Wasiirka
‘’Dawladdee-nu waxay ku boorineysaa dhammaan musharraxiinta u qalma in ay codsadaan
Jagadan, guddoomiyaha
ku guuleysta ayaa gacan ka gaysan doona isbedelka mustaqbalka Soomaaliya’’
ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Laakiin haddana dhinaca kale
marka la eego hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa u muuqda mid baal-marsan
dastuurka dalka oo qodobkiisa 12aad uu dhigayo in xilka gudoonka Bankiga dhexe
uu qaban karo oo kaliya qof Soomaali ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]