4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 9 , 2018
Warar kala duwan oo ka soo baxaya dilka Askar ka tirsan ciidamada Kenya

 

Khamiis, August, 09, 2018 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya qarax lagula eegtay deegaanka Lamu Arbacadii shalay.

Sarkaal ka tirsan ismaamulka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in weerarkan uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Majengo and Bodhei kaddib markii qarax lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamadan.

Laakiin dhinaca kale afhayeen u hadlay militeri-ga Kenya Colonel Paul Njuguna ayaa Reuters sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen lix Askari oo labo ka mid ah uu soo gaaray dhaawac culus, laakiin ma uusan sheegin wax dhimasho ah.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in qaraxaas ay ka danbeeyeen xoogaggooda, isaga oo tirada dhimashada ku sheegay sagaaal.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Al-shabaab weerarro qaraxyo loo adeegsaday ku dilaan askar ka tirsan ciidamada Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]