3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Isku-socodkii labada magaalo Jigjiga iyo Wajaale oo dib u bilaawday

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)– Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay rabshaduhu ka dhaceen qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa habi ahaanba is taagan dhaqdhaqaaqii iyo isku socodkii dadka iyo ganacsiga Jigjiga ay la laheyd qeybaha kale ee dalka iyo deegaannada dariska la ah.

Waxaa maanta dib u bilaawday isku socodkii gaadiidka iyo shacabka isaga kala gooshi jiray labada magaalo Jigjiga iyo Wajaale sida uu sheegay taliyaha laanta socdaalka gobolka Gabiley C/rashiid Axmed Xassa oo la hadlay Idaacada VOA.

“Isku socodku caadi buu ku soo noqday hadda, labadii maalmood ee la soo dhaafay ma jirin wax ganacsi ama isu socod labada magaalo ah, laakiin hadda waa caadi, gaar ahaan dhinaca deegaannada Soomaaliland ayeey dadku aad u soo galayaan, ” ayuu yiri taliye C/rashiid.

Dadka rayidka ah ayeey saameynta ugu ku yeesheen rabshadaha iyo guud ahaanba is badalladii maalmihii aynu soo dhaafnay ka jiray qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana dhibaatooyinka soo food saaray dadka ka mid ahaa in uu meesha ka baxay isku socodkii gaadiidka magaalooyinka kala duwan dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Laakiin hadda waxaa muuqata in xaaladu caadi ku soo noqoneyso, islamarkaana dadku ka rajo qabaan in adeegyadoodii kala duwanaa dib u bilaabaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/8/2018 5:50 PM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Xoghayihii joogtada Wasaarradda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamed Cumar Macalin ayaa sheegay in uu is casilay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay daruufo adag oo dhinaca shaqada ah oo la soo darsay

8/8/2018 11:30 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray.

8/8/2018 6:53 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheere oo saaxiibti-nimo ku dhisan.

8/8/2018 4:06 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo marayay Is-goyska SOS.

8/8/2018 3:50 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) –Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa si faah faahin ka bixisay waxa soo dadajiyay is badalka ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii tallada deegaanka laga wareejiyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta dowladda Itoobiya.

8/8/2018 2:20 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.

8/8/2018 12:53 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee ONLF.

8/8/2018 12:43 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) -Iyadoo bilihii ugu danbeeyayba ay dhacayeen dagaalo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya labada Qowmiyadood ee Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya oo ay ku naf-waayeen Boqolaal dad ah oo ka kala tirsan labada dhinac, ayaa waxaa baaq nabadeed oo arrintaa la xiriira diray markii ugu horeysay Jaaliydaha labada dhinac ee ku dhaqan gobolka Minnesota.