Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Waxaa sii
xoogeysanaya khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan,
kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray.
Dowladaha reer Galbeedka qaarkood ayaana ka
walaacsan go’aanka madaxweyne Trum ee ku aadan Iiraan ,kadib markii uu sheegay
in uu xayiraad hor leh uu ku soo rogayo.
Xayiraadaha cusub ee uu Mareykanka ku soo rogay
dalka Iiraan ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah, hasse ahaatee
cunaqabataynta ayaa u muuqata mid saamey-nteedu aad looga dareemayo gudaha dalka
Iiraan.
Dowladaha ku bohoobay Midowga Yurub ayaa
dhankooda sheegay in ay doonayan in uu ixtiraamo heshiiska niyuukleerka
ee Iiraan ay la galeen quwada caalamka.
Qorshahaasha cusub ee cunaqabateynta ah ayaa la
hakiyay sanadkii 2015 kaddib hishiiskii niyuukleerka ee xukuumadda Tehraan la
gashay quwadaha caalamka balse madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay
Iiraan ka badbaadi karto cunaqabateyntan haddii ay joojiso horumarinta
bacriminta yuuraaniyamka laga sameeyo hubka niyuukleerka iyo haddii ay
joojiyaan waxa uu ku tilmaamay taageerada argagixisada barriga dhexe,
Dowladda
Iiraan ayaa dhinaca kale siweyn uga soo horjeeda go’aanka madaxweyne Trump ee ku
aadan arrimaha Nuclearka dalkaasi,waxaana ay sheegaty in ay ka jawaabi doonto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]