4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay khilaafka Sacuudiga iyo Canada

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.

Qoraal Afka Carabiga lagu daabacay oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya Soomaaliya si dhaw ula socto xaaladihii ugu danbeeyay ee ka soo kordhay xiriirka dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ka soo horjeedo faragalin lagu sameeyay arrimaha gudaha Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa Canada ku eedeysay faragalin ay ku heyso arrimaha gudaha Sacuudiga iyadoo Canada ay adeegsanayso dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka oo ku sugan Sacuudi Carabiya.

Dowladda  Soomaaliya ayaa sheegtay in ay rajeyneyso  in labada dowladood ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaarradda arrimaha dibedda Soomaaliya :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]