3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 8 , 2018
Shiinaha oo sheegay in ay xoojinayaan xiriirka Diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) – Danjiraah Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay xiriirka diplomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha,isagoo xusay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheere oo saaxiibti-nimo ku dhisan.

Danjiraha ayaa balanqaaday in uu ka shaqeyn-doono sidii dowladda Shiinaha ay u sii xoojin lahayd mashariicda horumarineed oo ay ka waddo Soomaaliya, xili uu booqasho ku yimid wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya,oo uu kula kulmay wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geele iyo mas’uuliyiin kale.

Qin Jian Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo kulan ay wadda qaateen Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaaradda ayaa isla soo qaaday arrimo badan oo ay kamid tahay sidda loo xoojin karo wada-shaqeynta Wasaaaradaha Warfaafinta ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Jian ayaa sharaxaad ka bixiyay  dareen-kiisa ku aadan in uu ka shaqeeyo Soomaaliya iyo sidoo kale booqashadiisa xarunta wasaaradda.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya waxaana lagu xusuustaa mashaariic horumarineed oo badan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/8/2018 5:50 PM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Xoghayihii joogtada Wasaarradda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamed Cumar Macalin ayaa sheegay in uu is casilay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay daruufo adag oo dhinaca shaqada ah oo la soo darsay

8/8/2018 12:39 PM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)– Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay rabshaduhu ka dhaceen qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa habi ahaanba is taagan dhaqdhaqaaqii iyo isku socodkii dadka iyo ganacsiga Jigjiga ay la laheyd qeybaha kale ee dalka iyo deegaannada dariska la ah.

8/8/2018 11:30 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kadib markii Donald Trump uu diiday heshiiskii Iiraan lala gaaray.

8/8/2018 4:06 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo marayay Is-goyska SOS.

8/8/2018 3:50 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) –Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa si faah faahin ka bixisay waxa soo dadajiyay is badalka ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii tallada deegaanka laga wareejiyay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta dowladda Itoobiya.

8/8/2018 2:20 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa Qoraal ka soo baxay waxaa ay markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Sacuudiga iyo Canada.

8/8/2018 12:53 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL)-Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee ONLF.

8/8/2018 12:43 AM EST
Arbaco, August, 08, 2018 (HOL) -Iyadoo bilihii ugu danbeeyayba ay dhacayeen dagaalo iyo iska horimaadyo u dhaxeeya labada Qowmiyadood ee Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya oo ay ku naf-waayeen Boqolaal dad ah oo ka kala tirsan labada dhinac, ayaa waxaa baaq nabadeed oo arrintaa la xiriira diray markii ugu horeysay Jaaliydaha labada dhinac ee ku dhaqan gobolka Minnesota.