Sabti, August , 25,
2018 (HOL) – Waxaa laga yabaa in aad markiiba ku jah-wareerto ciwanka maqaalkan, laakiin waxa
aan ka hadley-no ma’aha wadankii Soomaaliya iyo Ururka hubeysan Al-shabaab,
balse waa caaryahan lagu naaneyso Somalia oo ku biiray kooxda Kubadda Cagta Al-shabaab ee ka dhisan dalka Saudi Arabia.
29 jirkan magaciisa
rasmiga ah uu yahay Wergiton do Rosario Calmon una dhashay dalka Brazil waxaa
uu horay ugu cayaari jiray naadiga Toulouse FC ee ka dhisan dalka Faransiiska,
hasse ahaatee hadda ku biiray kooxda Kubadda Cagta ee Al-shabaab.
Cayaaryahan-kan reer
Brazil laakiin lagu naaneyso Somalia ayaa hadda ku sii jeeda dalka Saudi Arabia si
uu ugu biiro kooxda Kubadda Cagta eeAl-shabaab.
Erayga Al-shabaab
waa kalmad ‘’Arabic’ ah laakiin marka Soomaali ahaan loo mac-neeyo noqoneysa
dhalinyaro, hasse ahaate gudaha dalka Soomaaliya waxaa ka jira Urur hubeysan
lagu magacaabo Al-shabaab oo sanadihii ugu danbeeyay-ba dagaal culus kula
jiray dowladda ay caalam-ku taageeraan ee Soomaaliya, waana wax iska caadi ah in marka uu qofka Soomaaliga ah arko kalmada
Al-shabaab markiiba maskaxdiisa u sawirran-to Ururkan hubeysan, laakiin
hadda waxa laga hadlayo waa naadi ama koox kubadda Cagta ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]