4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Gedo ‘’ xubno ka tirsan Al-shabaab oo la dilay

 

Sabti, August , 25, 2018 (HOL) –Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xassan Maxamuud Cali ayaa warbaahinta u sheegay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlgalkan laga sameeyay deegaanno dhowr ah oo hoos-taga qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Xubnaha la dilay ayuu sheegay in ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab ee ka howlgala qeybo ka tirsan gobolka.

Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xoogan yihiin Al-shabaab oo weerarro kala duwan ku qaadaan xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]