3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Mareykanka oo Abiy Ahmed kala hadlay xoojinta dib-u-habeyn lagu sameeyo siyaasada Xuquuqda Aadanaha

 

Sabti, August , 25, 2018 (HOL)– Wadigan Mareykanka ka socday ee gaaray Arbacadii ina dhaaftay ee todobaad hore magaalada Addis Ababa waxaa hoggaaminayay Xildhibaan Christopher Smith, iyaga oo kulan Khamiistii ay la yeesheen ra’iisal wasaaraha Itoobiya kala hadlay dib –u-habeyn lagu sameeyo siyaasada la xiriirta dhowrista Xuquuqda Aadanaha.

Isaga oo la hadlay warbaahinta ayuu Christopher Smith sheegay in socdaalkoodu ahaa mid ku saleysan sidii ay u ogaan lahaayeen dareenka ra’iisal wasaaraha ee la xiriira dib-u-habeynta siyaasada Xuquuqda Aadaha iyo waliba guud ahaan isbadallada ka jira dalka tan iyo markii uu xafiiska la wareegay ra’iisal wasaare Abiy.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada ugu danbeeyay ee gobolka geeska Africa, waxaana uu ra’iisal wasaare Abiy wafdiga ka socday Mareykanka uu sharaxaad guud ka siiyay is-badallada maamulkiisa ee la xiriira dhinac-yada Siyaasada, Dhaqaalaha iyo waliba Xuquuqul Insaanka.

Wafdiga ayaa dhinacooda ballan qaaday taageero joogta ah oo ay siin doonaan ka miro-dhalinta is badallada uu waddo maamulka uu madaxda ka yahay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Abiy ayaa lagu amaanay si deg deg ah ee markiiba uu dalka uga hergaliyay siyaasad ku dhisan Cadaallada iyo  Dimuquraadiyad, isaga oo xabsiyada ka sii daayay tiro maxaabiis ah oo loo xir xiray arrimo siyaasadeed iyo in uu wadamada dariska ah u fidiyay gacan –nabadeed, gaar ahaan marka la eego heshiiskii uu la galay dalka Eritrea.

Wafdigan ka socday dowladda Mareykanka ee tagay Addis Ababa ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa halkaa booqda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Abiy Ahmed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/25/2018 1:50 PM EST
Sabti, August, 25, 2018 (HOL)–Ururka ONLF ayaa markii ugu horeyay soo dhaweeyay madaxweynaha cusub ee dhawaantan loo doortay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Max’uud Cumar Cagjar sida uu Idaacada VOA u sheegay afhayeenka ururka.

8/25/2018 9:42 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Taliye ku-xigeenka hay’adda danbi-baarista dowladda Soomaaliya Bashiir Nuur Geedo oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la xiray ku dhawaad 28 ruux oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

8/25/2018 7:14 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL) – Waxaa laga yabaa in aad markiiba ku jah-wareerto ciwanka maqaalkan, laakiin waxa aan ka hadley-no ma’aha wadankii Soomaaliya iyo Ururka hubeysan Al-shabaab, balse waa caaryahan lagu naaneyso Somalia oo ku biiray kooxda Kubadda Cagta Al-shabaab ee ka dhisan dalka Saudi Arabia.

8/25/2018 5:11 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo Xassan Maxamuud Cali ayaa warbaahinta u sheegay howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

8/25/2018 2:26 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay xulufada uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen duqeyn ku dileen 22 carruur ah iyo afar dumar ah.

8/25/2018 2:08 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)–Xiriirkii Internet –ka deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dib u soo noqday, gaar ahaan magaalada Jigjiga sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

8/25/2018 12:52 AM EST
Sabti, August , 25, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyay qorshe toddobaadka dambe uu xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo uu booqasho uga tegi lahaa Kuuriyada Waqooyi, qoraalo is xiga xiga uu kusoo qoray Twitter-ka ayuu Trump kaga cawday inaysan jirin horumaro laga gaaray qorshaha xukuumadda Pyongyang ee ku aadan bur-burinta barnaamijka Nukliyerka.

8/25/2018 12:37 AM EST
Sabti, August, 25, 2018 (HOL)– Subaxnimadii shalay ayeey aheyd markii xaafadda Weston and Lawrence ee magaalada Toronto dagaal ka dhacay gudaha dhisme ku yaalada xaafadda lagu dilay Kaafi Bashiir oo ahaa wiil Soomaali ah.