4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Xulufada Sacuudiga uu hoggaamiyo oo lagu eedeeyay in ay carruur kale ku dileen Yemen

 

Sabti, August , 25, 2018 (HOL)– Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeysay xulufada uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen duqeyn ku dileen 22 carruur ah iyo afar dumar ah.

Mark Lowcock oo ah madaxa gargaar u qaabilsan Qaramada Midoobey dalka Yemen ayaa sheegay in dadka la dilay ay duqeymuhu halleeleen iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan dirirta u dhaxeysa labada dhinac.

Waxaa kaloo u sheegay in duqeymo kale oo dheeraad ah oo dhacay lagu dilay carruur kale oo aan ilaa iyo hadda tiradooda la ogeyn.

Warka ka soo baxay Qaramada Madoobey ayaa imanaya xili xulufada Sacuudiga iyo Xuudiyiinta Yemed midkood uu kan kale ku eedeeyay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkan carruurta lagu laayay.

Lowcock ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo dhacdadan, waxaan hadalkiisa uu imaanaya xili hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku edeeyen xulafada Sacuudiga in aysan dooneyn baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee ay ka geystaan dalka Yemen.

Dhinaca kale waxaa jira eedeymo loo jeedinayo dowladda Mareykanka oo ah in ay ka saacido xulufada Sacuudiga ee dagaalka ka wada Yemen, dhinac-yada hub, sirdoonka, diyaaradaha dagaalka iyo sahayda uu shidaalku ka mid yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]