4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2018
Canada : Wiil Soomaali ah oo tooreey lagu dilay

 

Sabti, August, 25, 2018 (HOL)– Subaxnimadii shalay ayeey aheyd markii xaafadda Weston and Lawrence ee magaalada Toronto dagaal ka dhacay gudaha dhisme  ku yaalada xaafadda lagu dilay Kaafi Bashiir oo ahaa wiil Soomaali ah.

Yuusuf Maxamed Xuseen (Yuusuf Kowneyn) ayaa sheegay in markii hore uu dagaal ka dhacay gudaha dhismaha ku yaala xaafadda, hasse ahaatee markii ay dhalinyaradu dibeda iskula soo baxeen kaddib dhowr tooreey lagu dhuftay Ninkan lagu magacaabi jiray Kaafi Bashiir oo ahaa 30 sano jir.

‘’Dhowr mindi ayaa lagu dhuftay, meesha ayuu ku dhiig-baxay kaddib waa uu geeriyooday ayuu yiri Yuusuf Maxamed Xusseen oo ka waramay dilka wiilkan Soomaaliga ah.

Sida ay Booliis-ku sheegeen falkan waxaa ku lug lahaa dhowr wiil kale oo dhalinyaro ah oo markii uu falku dhacay la sheegay in ay goobta isaga carareen iyaga oo is qarinaya.

‘’Wararku waxaa ay sheegayaan in dilkan ay ku lug lahaayeen dhalinyaro kale oo Soomaali ah, laakiin lama hubo Booliis-kuna ma jirto cid ay u soo qabteen dilka ilaa iyo hadda ayuu hadalkiisa sii raaciyay’’ Yuusuf.

Dilalka lagula kaco dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa sanadihii ugu danbeeyay-ba ahaa kuwo si joogta ah u dhaca, gaar ahaan dalka Canada jaaliyada Soomaalida ayaa siweyn ula tacaalaya in la joojiyay falalka dhalinyaradu isku dilaan, balse waxaaa muuqata in aan wali waxba arintan laga qaban.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]