4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Dowladdda DF Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa heshiisyadii ay gashay dowladdii hore

 

Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) - Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyadii ay horay u gashay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh.

Arintan ayaa timid kaddib markii xukuumada Soomaaliya sheegtay in ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ay qeyb ka aheyd heshiis ay horay u wada galleen dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegaya in seshiisyadaasi lagu sameyn doonto qabyo tir, islamarkaana la waafajin doono sharciyadda u yaalla dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay in dowladda Soomaaliya u aragto qaar ka mid ah heshiisyadaa in ay noqon karaan kuwa aan sharciga waafaqsaneyn.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay u cuskatay Dhiibistii Qalbi-Dhagax heshiis hore, ayaa haddana waxaa arntaa su’aalo badan ka keenay, islamarkaana ku tilmaamay kuwa aan maan-gal aheyn sharci-yaqaano Soomaaliyeed oo sheegay in aysan is waafaqsaneyn warka ka soo baxay xukuumada iyo tallaabada ay Itoobiya ugu dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]