4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Kuliyad cusub oo lagu baranayo Cilmiga Dawooyinka oo lagu soo kordhiyay Jaamacada Benaadir


Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) -- Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa soo kordhisay sanadkan kuliyad cusub oo lagu baranayo cilmiga Dawooyinka taasoo si rasmi ah uga mid noqotay kuliyadaha ay horey laheyd Jaamacadda, iyadoo kuliyaddan ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ee abid laga hirgeliyo Soomaalia.

Seminaar ku saabsanaa aqoonta ay xambaarsan tahay kuliyadan cusub ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu qabtay Xarunta qeybta Daraasaadka Sare ee Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho (Postgraduate Center) waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda, arday wax ka barata Jaamacada iyo kuwa sanadkan ku biiraya iyo weliba aqoonyahanno kale.

Hormuudka Kuliyadda cusub ee cilmiga dawooyinka Jaamacadda Benaadir Prof. Maxamed Yusuf Axmed oo bixinayey seminarkan ayaa si qoto dheer uga waramay kuliyaddan cusub iyo maadooyinka laga baran doono, wuxuuna xusay in Soomaalidu ay farmashiga u taqaano meel laga iibsado dawooyinka balse cilmi ahaan uu intaas ka mug iyo baaxad weyn yahay.

“Kuliyaddan barashada cilmiga dawooyinka waxay ka mid tahay qeybaha ugu muhiimsan ee bahda Caafimaadka, waana kuliyadii soo saareysay kaadiriintii aqoonta u lahaa shuruucda dawooyinka, noocyadeeda kala duwan, habka loo sameeyo, qaabka loo keydiyo, hubinta tayadeeda iyo habka wax loogu daweeyo intaba, dhaqtartku wuxuu isku taxluujiyaa inuu ogaado xanuunada haya bukaankiisa balse wuxuu u baahan yahay qof dawooyinka yaqaana si uu bukaankiisa u daweeyo, waana labo aan kala maarmin oo iskaabaya” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Waxaa uu intaa ku daray in dawooyinka ay ka sameysan yihiin kiimikooyin kala duwan, ayna yihiin sida sakiin labo af leh oo kale, wuxuuna xusay in haddii uu qofku u isticmaalo sidii loogu talo ay leeyihiin waxtar balse haddii si qaldan loo isticmaalo ay ka dhalan karto dhibaato caafimaad iyo waxyeelo badan, sidaas awgeedna uusan iibin Karin qof aan aqoon buuxda u laheyn, wuxuuna xusay in shahaadada koowaad ee Bachelorka ay kuliyaddan ku bixin doonto muddo afar sano ah.

Dhaqtarka ayaa sidoo kale sharaxaad dheer ka bixiyey sida looga faaiideysan karo cilmiga dawooyinka, waxaana uu si saraaxad leh uga jawaabay su’aalo ku saabsan mowduucan oo ay weydiiyeen ardayda seminaarkan loo qabtay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Professor Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii seminaarkan ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Dr. Maxamed Yuusuf casharka qiimaha badan ee uu ka bixiyey seminaarkan, waxaana uu dhinaca kale ka waramay baahida loo qabay kuliyaddan iyo faaiidooyinka laga dhaxli karo barashada culuunta dawooyinka.

“Dedaal iyo juhdi fara badan oo muddo dheer soo socday socday kaddib, waxaan ku guuleysanay inaan sanadkan aasaaska u dhigno kuliyadda barashada Cilmiga dawooyinka oo dalka aan horey uga jirin” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Benaadir.

Waxaa uu sheegay Dr. Dalmar in aasaasida kuliyaddan ay timid kaddib markii jaamacaddu ay aragtay dhibaatooyinka baaxada leh shacabkeena ka heysta dawooyinka sida qaldan loo isticmaalo taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo aysan jirin dadkii aqoonta u lahaa.

“Dadka maalin kasta nooga dhinta qaraxyada, dagaalada, abaaraha iyo musiibooyinka kale warbaahinta ayaa laga sheegaa, laakiin waxaa ka badan inta nooga dhimata qaladaad ka dhashay dawooyin ay isticmaaleen oo aan warbaahinta laga sheegin” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray in kuliyadan barashada dawooyinka ay noqoneyso kuliyadii 12aad ee jaamacada Benaadir, ayna hoos tegi doonto kuliyada culuunta Caafimaadka (health Science).

Waxaa kaloo uu intaa ku daray Gudoomiyuhu in aqoonyahada barta culuunta dawooyinka ay yihiin hadda kuwa ugu fursadaha fiican, marka loo eego culuunta kale ee Caafimaadka, maadaama buu yiri aysan dalka horey u joogin aqoonyahano illaa heer Jaamacadeed bartay culuunta dawooyinka, wuxuuna xusay in ay jiraan ganacsato Soomaaliyeed oo ku fekeraya iney maalgeshi ku sameeyaan warshado soo saara dawooyinka balse ay arintaas ku adkaatay ka dib markii ay dalka ka waayeen aqoonyahano ku taqasusay dawooyinka iyo habka loo sameeyo.