Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) - Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo.
Taliyaha ururka 49-aad ee ciidamada xoogga dalka qeybta gobolka Gedo, Faarax Max'ed Turbac ayaa shabakadda HOL u sheegay in uu isu soo dhiibay sarkaal lagu magacaabo C/casiis Xasan Haybe, oo ay Al-shabaab ugu yeeri jireen Bishaar, kaa oo uu sheegay in uu kooxda u qaabilsanaan jiray abaabulka qaraxyada.
"Sarkaalka isa soo dhiibay waxa uu xiriir lasoo sameeyay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, si wanaagsan ayaan usuu dhaweeynay, wuxuu noo sheegay in uu kooxdaasi isaga soo baxay kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaatooyinka ay ku hayaan ciidamada u dagaalama," ayuu sarkaalku hadalkiisii raaciyay.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in sarkaalka isa soo dhiibay uu kamid ahaa jabhado ka tirsan Al-shabaab oo ka dagaalami jiray aagga magaalada Baraawe.
Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama soo saarin sarkaalkan ay ciidamada xoogga dalka qeybta gobolka Gedo sheegeen in uu isu soo dhiibay.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo oo sheegay in uu isu soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa Shabaab
More News
- Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtida ka doodaya go’aanka xukuumada ee ONLF iyo Qalbi-Dhagax
- ONLF : Go’aanka dowladda Soomaaliya waa mid ka soo baxay Itoobiya
- Khilaaf ka taagan Gabar lagu toogtay gobolka Bakool
- Dowladdda DF Soomaaliya oo dib u eegis ku sameyneysa heshiisyadii ay gashay dowladdii hore
- Kuliyad cusub oo lagu baranayo Cilmiga Dawooyinka oo lagu soo kordhiyay Jaamacada Benaadir
- Laba gabdhood oo lagu dhaawacay Magaalladda Muqdisho kaddib markii nin hubeysan uu guriga ugu galay
- Intee in le'eg ayaad u lugeysaa si aad u hesho biyo nadiif ah oo aad cabto?
- Dadka ku nool deegaanka Lamu oo cabsi ku joog-noqday kaddib markii Al-Shabaab ay afar qof gowraceen
- Koox hubeysan oo Magaalladda Marka ku kufsaday kaddibna ku dilay Haweeney Uur-leh
- Ciidamada dowladda oo maanta howlgallo ka wadda degmadda Afgooye kaddib Qarax shalay ka dhacay
- Al shabaab oo iska fogeeysay in Qalbi-Dhagax uu xiriir la lahaa kooxda Al Shabaab
- Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo qiimayn dhanka Maamulka iyo Maaliyadda lagu sameeynayo
- Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisia oo isku-shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiiradda