11/20/2017
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
ONLF : Go’aanka dowladda Soomaaliya waa mid ka soo baxay Itoobiya


 

Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Afhayeenka Ururka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA ayaa si kulul u weeraray go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Ururka ONLF ee ahaa in Ururkaasi yahay mid Argagixiso.

Caddaani ayaa sheegay in warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya u arkayaan in uu yahay mid ay dowladda Itoobiya ay soo dhiibtay, waxaana uu intaa ku darray in go’aanka noocaas oo kale ah aheyn mid u qalma dowladda Soomaaliyeed.

‘’Annaga waxaan u aragnaa bayaankaa in uu qoray Ninka lagu magacaabo Gabre iyo safiirka Xamar jooga, ee ma’aha bayaan u qalma dowlad Soomaaliyeed in ay soo saarto’’ ayuu yiri Caddaani.

Waxaa uu iska fogeeyay in Ururka ONLF yahay Urur Argagixiso oo la mid ah Al-shabaab sida ay dowladda Soomaaliya sheegtay, isaga oo sheegay in arintaasi tahay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka Soomaaliyeed.

‘’Ururkan waxa uu yahay waxaa ka marqaati ah shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba shucuubta ku dhaqan Geeska Africa, waa la yaqaanaa Ururka ONLF waa Urur xaq u dirir ah, dhulka Ogaadeeniya ayaan ka dagaallannaa, marka waxaan leeyahay waa nasiib daro umadda Soomaaliyeed ku dhacday bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka Ururka ONLF.

Arbacadii shalay ayeey aheyd markii bayaan ka soo baxay xukuumada Soomaaliya lagu sheegay in Ururka ONLF yahay Argagixiso, iyaga oo dhinaca kalana difaacay ku wareejintii dowladda Itoobiya Cabdkariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Afhayeenka Ururka ONLF oo VOA weydiisay halka uu ku dhashay Qalbi Dhagax waxaa uu yiri’’ Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax waxaa uu ku dhashay gobolka Mudug, deegaan hoostaga degmada Gaalkacyo, halkaasoo uu ku soo barbaraay oo wali reerkiisu degan yihiin, gobollo badan oo Somaaliya ah ayuu ka shaqeeyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu ahaa, dagaaladdii 1981kii ayuu ku dhaawacmay’’ 

Dadka Soomaaliyeed oo siweyn uga war dhowrayay jawaabta ay dowladda Soomaaliya ka bixiso ku wareejinta Itoobiya Qalbi-Dhagax ayaa markii danbe su'aalo badan ka keenay bayaanka ka soo baxay xukuumada oo markii ugu horeysay Ururka ONLF ku sheegay mid  Argagixiso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]





Post your comments

9/7/2017 3:03 PM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa Kulan waxa ay Maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay go’aamiyeen Ajandaha looga hadli doono Kulanka golaha Shacabka ee la filayo in uu maalinta Sabtida ah ka dhaco Magaalada Muqdisho.

9/7/2017 7:03 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay Gabar dhowr cisho ka hor ciidamada dowladda ku toogteen deegaan lagu magacaabo Mooragaabey oo ka tirsan gobolka Bakool.

9/7/2017 6:48 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) - Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska dhiibay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo.

9/7/2017 6:13 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL)-Wasiirka wasaarada warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u eegis ku sameyn doonto heshiisyadii ay horay u gashay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh.

9/7/2017 5:53 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL)-Jaamacadda Benaadir ee magaalada Muqdisho ayaa soo kordhisay sanadkan kuliyad cusub oo lagu baranayo cilmiga Dawooyinka taasoo si rasmi ah uga mid noqotay kuliyadaha ay horey laheyd Jaamacadda, iyadoo kuliyaddan ay tahay tii ugu horeysay nooceeda ee abid laga hirgeliyo Soomaalia.

9/7/2017 4:11 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Nin hubeysan ayaa maanta guri ku yaalla agagaarka isgoyska Korontada ee degmadda Wadajir ee Magaalladda Muqdishu, ku dhaawacay laba gabdhood oo mid kamid ah la sheegay in ay Uur-laheyd, sida goob-jooyagaal ay sheegeen.

9/7/2017 3:25 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –In ka badan 2.4 milyan oo carruur ah oo ku nool dalka Soomaaliya ayaa si ba'an ugu baahan biyo-nadiif ah oo ay cabaan. Noloshooda ayaana ku tiirsan. Biyaha waa xuquuq ee ma ahan mudnaan.

9/7/2017 2:45 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Dadka ku nool deegaanka Lamu ee dalka Kenya, ayaa waxaa lasoo deristay cabsi xooggan, kaddib markii Al-Shabaab Arbacadii lasoo dhaafay deegaanka Lamu ay ku gowraceen Afar qof.

9/7/2017 2:15 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ku kufsaday Haweenay Uur leh, kaddibna dilay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

9/7/2017 1:52 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgallo xooggan ka wada xaafaddo kamid ah degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

9/7/2017 1:24 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan wax xiriir ah la laheyn Al Shabaab, sidda ay haddalka u dhigeen.

9/7/2017 1:07 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr iyo dhammaan Agaasime Waaxeedyada ee Wasaaradda ayaa la kulmay Benson Mutiso oo ka socday hay’adda Baker Tilly Merali’s oo ah hay’ad ay UNDP u xilsaaratay in ay qiimayn ku sameeyso dhammaan hay’adaha dawladda iyada oo la ogaanayo awoodda hay’adaha dawladda ee dhanka tayada maamulka iyo shaqaalaha.

9/7/2017 12:56 AM EST
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Ra’iisul wasaaraha dalka Tunisia Youssef Chahed, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida xukuumadda ay sheegtay.