4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 7 , 2017
Al shabaab oo iska fogeeysay in Qalbi-Dhagax uu xiriir la lahaa kooxda Al Shabaab

 
Khamiis, September, 07, 2017 (HOL) –Kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan wax xiriir ah la laheyn Al Shabaab, sidda ay haddalka u dhigeen.

Dowladda Soomaaliya, ayaa shalay sheegtay in Qalbi-Dhagax uu xiriir dhow ah la lahaa kooxda Al Shabaab, taasina ay qeyb ka aheyd in loo gacan geliyo dowladda Ethiopia.

Golaha wasiiradda ayaa sheegay sarkaalka Jabhada hubeysan ee ONLF ee Qalbi-Dhagax, in uu abaabulayey falal lid ku ah amniga dalka oo uu in muddo ah ka dhexwaday dalka gudahiisa, xiriirna uu la lahaa kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Golaha waxaa la horkeenay nuqulka Heshiisyo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Ethiopia ee 07dii June 2015kii kaas oo dhanka Soomaaliya uu u saxiixay Wasiirru Dowlihii Madaxtooyada JFS Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ee dawladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan ayaa u aqoonsanaya kooxaha hubaysan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Jabhadda ONLF in ay khatar ku yihiin amniga labada dal, meelna looga soo wada jeesto oo labada dal ay iska kaashadaan si wada jir ah.

Dhinaca kale Xildhibaan Mahad Salaad oo lagu soo hadal qaaday warbixin shalay ka soo baxday shirkii gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa beeniyay in marnaba dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh iyo Itoobiya ka wada galleen heshiis la xiriira ONLF. 

‘’Anaga markii aan tagnay Itoobiya saraakiisha Itoobiya waxaa ay inoo sheegeen in dadka xadka ka dagaalamaya yihiin wax ay ugu yeereen UBO iyo Al-shabaab, annaga waxaan u sheegnay in arintaa ay qalad tahay oo la doonayo in lagu marin habaabiyo dhibaatada dadka deegaanka loo geystay oo meeshaa ka dhacday, sidaa daraadeed waxaan ka wada hadalnay in leyska kaashado deegaankaas amnigiisa cid kasta oo ka tirsan labadaas qolo ee la sheegayna [UBO iyo Al-shabaab] meel looga soo wada jeesto ee ma aheyn arin quseysay ONLF iyo wax kale oo la mid ah’’ ayuu yiri Mahad Salaad. 

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia