4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka qeybgalay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho


Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) - Ra’iisul ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay Bandhiga Carwada Buugaagta oo sanadkii 3aad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo tagay Bandhiga Buugaagta ayaa dhiirgalin u sameeyay dhalinyaradii halkaa ku soo bandhigtay Buugaag kala duwan oo ay qoreen, isaga oo halkaa ka iibsaday tiro Buugaag ah.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda.

‘’Waxa aan halkan u imid in aan Buugaag iibsado ee uma imaan in aan khudbad ka jeediyo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan arko bandhiggan quruxda badan oo Soomaali ay iqtiraacday”ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Buugaagta halkaa lagu soo bandhigay ayaa isugu jiray kuwo taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]