3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Soomaaliland oo ka digtay in la wax yeelleeyo dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Iyadoo tiro ka badan 32 ruux oo Soomaali ah lagu dilay deegaanka lagu magacaabo Hawadaay ee Bariga Itoobiya, ayaa waxaa oo baxaya digniino la xiriira in la wax yeelleeyo dadka ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee ku nool Soomaaliland.

Wasiiru dowlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labo ruux oo u dhashay ama ka soo jeeda Qomiyada Oromada la dilay.

‘’Waad ogtihiin in labo ruux ka soo jeeda qowmiyada Oromada la dilay kuwaa oo hadda meydkooda yeelo Hargeysa, sidaa daraadeed waxaa ka digeynaa in la wax yeeleeyo dadka ka soo jeeda ama u dhashay Itoobiya gaar ahaan qowmiyada Oromada’’ ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga.

Waxaa uu sheegay in dadka lagu laayahay deegaanka Hawadaay ee dalka Itoobiya qaarkood ka soo jeedaan Soomaaliland, sidaa daraadeed laga yaabo in ehelada dadka la dilay weeraraan dadka ku dhax nool ee ka soo jeeda Itoobiya.

‘’Laamaha amniga waxaa la farayaa in ay sugaan nabad-galyada, ilaaliyaan amniga dadkaas oo aan wax yeelo loo geysan ayuu yiri’’ Maxamed Muuse Diiriye.

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu laayay xuduuda uu maamulka la wadaago Oromiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/14/2017 1:01 PM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) - Ra’iisul ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa bogaadiyay Bandhiga Carwada Buugaagta oo sanadkii 3aad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

9/14/2017 9:47 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) Wasiirka u hadlay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in boqolaal Soomaali ah lagu lalaayay sida uu hadalka u dhigay xuduuda u dhexeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Oromada.

9/14/2017 8:41 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) - Shirka Khamiislaha ee todobaadkiiba mar ay yeesheen xubnaha gollaha wasiirada xukuumada Soomaaliya uuna shir guddoomiyay ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa looga wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020ka.

9/14/2017 6:35 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Magaalada Jowhar waxaa maanta ku soo dhamaanaya khubadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, doorashada la filayo in ay dhacdo 16ka bishan maalinta Sabtida ah.

9/14/2017 5:56 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL)–Waxaa maalintii labaad galay magaalada Muqdisho Bandhiga Carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho.

9/14/2017 4:30 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay labo darawal oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka Bajaajka.

9/14/2017 4:17 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Yusuf Garaad Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.

9/14/2017 4:08 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Maamulka Sare ee Hiiraan Online ayaa raali galin buuxda ka bixinaya war ku soo baxay Website –ka 12kii bishan September oo ku beegneyd Talaadadii todobaadkan.

9/14/2017 2:49 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Wasiirka wasaarada duulista hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Omaar ayaa kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda duulista hawadda ee ICAO waxaa ay ka wada hadleen sidii dhaqse dowladda Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa maamulka hawaddeeda loogana soo rari xarunta maamulka hawada magaalada Nairobi iyadoo loo soo wareejinayo magaalada Muqdisho.

9/14/2017 2:20 AM EST
Khamiis,September, 14, 2017 (HOL) –Magaalladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa dhageysiga khudbad jeedinta Musharxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle.

9/14/2017 12:37 AM EST
Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) –Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Golaha amaanka ayaa dowladda Myanmar ugu baaqay in ay joojiso Ololaheeda military ee ka dhanka ah Muslimiint Rohingya.

9/14/2017 12:32 AM EST
Khamiis,September, 14, 2017 (HOL) –Dab xooggan ayaa ka kacay xarun lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka kariimka oo lagu magacaabo Ittifaqiyah, taas oo ku yaalla caasimmada Kuala Lumper ee waddanka Malaysia, sida dowladda ay sheegtay.