4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Jowhar oo lagu soo gabagabeeyay khudbadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha M Hirshabeelle

 

Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Magaalada Jowhar waxaa maanta ku soo dhamaanaya khubadaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, doorashada la filayo in ay dhacdo 16ka bishan maalinta Sabtida ah.

Ilaa Siddeed musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka maamulka kalsoonidii kala noqdeen 14kii Augusto madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosbole.

Musharixiinta ayaa isugu jira siyaasiyiin hore, mas’uuliyiin xilal horay uga soo qabtay gobolka Hiiraan iyo shaqsiyaad ku cusub siyaasada.

Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.

Musharixiinta ayaa maalinta berri ah la filayaa in ay soo gabagabeeyaan Ol’ Olahooda doorasho oo ay xodxodanayaan xildhibaannada oo noqonaya kuwa iska leh go’aanka ugu danbeeya maalinta doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]