4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 14, 2017
Bandhig Carweedka Buugaagta oo maalintii labaad ka socta magaalada Muqdisho Sawirro


Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Waxaa maalintii labaad galay magaalada Muqdisho Bandhiga Carwada buugaagta oo sanadkii Saddexaad lagu qabanayo Muqdisho.

Munaasabadan oo ah mid siweyn loo soo agaasimay ayaa furintaankeedii waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, xubno ka socday beesha caalamka, dadweyne fara badan oo u badnaa dhalinayo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Bandhiga sanadkan ayaa lagu martiqaaday Aqoonyahano, Xirfadlayaal, Qorayaal iyo Dad kale, kuwaas oo soo bandhigga buugaagta ay Qoreen, waxaana ka faa’idaysta buugaagta ay soo bandhigaan dadka ka qeyb galayaasha ah.

Carwadda bandhigga buugaagta ayaa lagu tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed oo ay wax badan oo aqoon ah ka faa’iidaystaan, iyadoo la ogyahay in magaalooyinka qaar ee dalka laga bilaabay bandhig nuucaan ah sida Hargeysa iyo Garoowe.

Waxaa la filayaa in maalinta berri ah la soo afjaro bandhigan Carawada buugaagta, iyada oo lagu wado in ay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa ee dalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]