Khamiis, September, 14, 2017 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya
Amb. Yusuf Garaad Cumar ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda
Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi, waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo
labada shacab ee walaalaha ah uu ka dhexeeyo.
Wasiir Yuusuf Garaad ayaa boggaadiyay kaalinta dowladda Imaaraadka carabta
kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, waxaana uu ku sheegay in xiriirka labada
dal uu ka dhigan yahay tusaale, halbeegiisu yahay isdhaafsi xushmad iyo
iskaashi miro-dhala.
Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sare
u qaadi doonto kaalmada ay siiso Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah dardargelinta
iyo fulinta heshiisyo dhinacyo badan leh oo labada dal ay hore u gaareen oo ka
shaqeynaya dano wadaaga.
Dhanka kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud ayaa kulan gaar ah oo xoojinayay kulanka hore ee
Wasiir Garaad, ayaa waxa uu ku qaabilay xafiiskiisa Danjire Mohamed Al Hammadi,
waxaa ayna kaga wada hadleen arrimaha ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaallaha.
Kulanka oo ku idlaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha
guud ee habmaamuuska Qaranka Adv. Hersi Haji Olosow, Agaasimaha Waaxda Carabta
Mr. Mustafa Adam Dagaal iyo kaaliyaha gaarka ah ee xafiiska Wasiirka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]