4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Warar dheeraad ah Qarax ka dhacay Isgooyska Dabka ee magaalada Muqdisho Sawirro


Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dadka Waxyaalada gaartay gaar ahaan dadka dhaawaca ah oo la geeyay goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijinayaa tirada dhimashada Afar ruux iyo dhaawac intaa ka badan.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda bur bur aad u weyn oo soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ka agdhawaa.

Halka uu qaraxu ka dhacy ayaa ah goob aad u camiran xiliyada galabtii, maadaama ay ka furan yihiin goobo ganacsi, waxaa inta badan fariista dad rayid ah oo halkaa sheeko iyo shaah u soo doonta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]