3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka doodaya mowqif-kooda ku aadan wareejintii Qalbi-Dhagax iyo go’aankii xukuumadda

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta lagu wadaa in ay cadeeyaan mowqif-kooda ku aadan wareejintii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) iyo go’aankii kasoo baxay golaha wasiirada ee ku saab-sanaa arrinta jabhadda ONLF.

Kalfadhiga xildhibaannada Aqalka Sare oo maanta oo isniin ah furmaya, ayaa waxaa ajandihiisa ugu horreeyo looga doodi doonnaa arrinta sarkaalka Qalbi-Dhagax, kaas oo dhawaan loo-gacan geliyay dowladda Ethiopia.

Cabdi Xaashi C/laahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare, ayaa warbaahinta gudaha Magaalladda Muqdishu u sheegay in ajandaha kulanka maanta uu ku saabsanyahay Qalbi-Dhagax.

Dhinaca kale Kulankii Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ee lagu waday in sabtidii uu furmo ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, waxaana kulanka looga hadli lahaa arrinta Qalbi-Dhagax.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa madasha ka sheegay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta, maadaama Kooramkii loo baahnaa aysan soo xaadirin. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Kulankii maanta waxaa soo xaadirtay 104 xildhibaan, waxaana jiray xildhibaanno yimid kulanka balse diiday in magacyadooda ay ku qoraan warqadda-xaadirinta xildhibaannada, taas oo ka dhigneyd in aysan raali ka aheyd joogitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia













Click here
9/11/2017 10:36 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Dabka ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 10:05 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Wadahadalada labadii maalmood ee la soo dhaafay uga socdey magaalada Caynabo Somaliland iyo Khaatumo ayaa soo dhamaaday kaas oo ay labada dhanacba sheegeen in lagu guulaystey.

9/11/2017 9:33 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn hotelka Weheliye wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

9/11/2017 4:29 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Xildhibaannada Aqalka sare ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada ka qaadatay kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.

9/11/2017 4:01 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo ay saaka aroortii la wareegeen Maleeyshiyaadka ka tirsan Al-shabaab ayaa haatan lagu soo warmayaa in ay xaaladeedu tahay mid kacsan, ayadoo xoogaggii Alab-shabaab ee saaka soo weeraray ay isaga baxeen.

9/11/2017 2:27 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sheegay mashruuca lagu shaqaalleysiinayo 1,000-ka dhallinyaro in ay u-jeedkiisa tahay sidii dhallinyaradaasi ay uga qeyb-qaadan lahaayeen dagaalka ka socda dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Abuu Muscab oo ah Afhayeenka kooxda.

9/11/2017 1:49 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo diyaarinayo sidii ay ciidamadda AMISOM ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka, taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

9/11/2017 12:57 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Xafiiskani oo loogu talagalay in in lagu qabto Cabashooyinka bulshada Soomaaliyeed ee laxiriira dhinacyada Cadaaladda iyo talo bixinta ayaa waxaa magaalaad Muqdisho ka hirgelisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

9/11/2017 12:42 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Saddex nin oo Bistoolada ku hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe Suuqa Bakaaraha ku dilay qof dumar ah, iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

9/11/2017 12:21 AM EST
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa saaka dagaal xooggan kula wareegay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, sida dadka deegaanka ay sheegeen.