4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Faah-Faahin: Kooxo hubeysan oo Suuqa-Bakaaraha ku dilay haweeney la joogtay seygeeda

 
Isniin, September, 11, 2017 (HOL) –Saddex nin oo Bistoolada ku hubeysan ayaa shalay gelinkii dambe Suuqa Bakaaraha ku dilay qof dumar ah, iyagoona dilka kaddib goobta ka baxsaday.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Nuura Aadan Guutaale, waxaana xiligii la dilayay la socday saygeeda, kaas oo aan isaga la beegsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Dilka marxuumada ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Saldhiga Booliska ee Suuqa Bakaaraha.

“Raggii dilka geystay waxa ay dhowr-xabadood ku dhufteen haweeneyda, kaddibna goobta ayey isaga-tageen, ka hor inta aysan imaan ciidanka booliska”, mid kamid ah ganacsatadda suuqa ayaa sidaasi Hiiraan Online u sheegay.

Ciidanka Booliska oo ku soo baxay rasaastaasi, ayaa waxay hawlgallo ka sameeyeen halkaasi, walow aanay gacanta ku soo dhigin dembiile-yaasha.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dilka haweeneydaasi. 

Dilka loo geystay marxuumada ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili shalay hal ruux la dilay laba kalena la dhaawacay kaddib markii gaari ay la socdeen dadkaas oo marayay xaafadda Ceeldheere ee Degmada Dharkiinley lagu rasaaseeyay.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia