4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 11, 2017
Qarax goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho

 

Isniin, September, 11, 2017 (HOL) – Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn hotelka Weheliye wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaar ahaan khasaare weyn gaarsiiyay maqaaxi aan ka fogeyn hotelka oo lagu mgacaabo Xadra Mood oo xiliyada galabtii dadku ku kulmaan, iyadoo lagu waramayo in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Gadiidka gurmadka deg deg ah ee caafimaadka ayaa goobta gaaray kuwaa oo halkaa ka qadaya dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxa.

Wixii faah faahin ah ee ka soo kordha qaraxa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaa agagaarka Hotelka Weheliye waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]