Talaado, June, 20, 2017 (HOL) -- Madaxweynaha
maamul gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosobole ayaa xilkii ka qaaday
wasiirkii maaliyada Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]
Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku magacaabay wasiirka maaliyada Zakiriye
Cabdi Xaraare oo horay u ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer dowlad
goboleed ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo
dhaafay la hadal hayay in uu isku shaandheyn ku sameeyo golihiisa wasiirada, hasse
ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka
qaadista wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.
Madaxweye Cosoble ayaa inta badan fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho, taasoo marar badan ay dood adag ka keeneen xildhibaannada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa Jimcihii dib ugu laabtay magaalada
Jowhar, kaddib khilaaf soo kala dhaxgallay xildhibaannada baarlamaanka maamulka
oo mooshin ka shaqo ka fariisin ah ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka, laakiin
markii danbe xildhibaannadu sheegeen in ay dib uga laabteen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]