4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2017
Faah faahin : Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta degmada Wadajir

Talaado, June, 20, 2017 (HOL) --  Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday  xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana wararka hor dhaca ah ee soo baxaya sheegayaan in uu halkaa ka dhashay khasaare ballaaran isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in lagu dhuftay ilinka hore ee xarunta degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen meydadka ilaa 10 ruux oo isugu jira askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa, walina waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerarka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay Qaraxan oo dhacay Abaare 1:00 duhurnimo ee maanta.

Xarunta degmada ee la bartilmaameedsaday ayaa ku dhaw suuqa ugu weyn degmada Wadajir, oo waqtiga uu qaraxa dhacay dadku siweyn uga tukaameysanayeen.

Wixii warar ah ee kale waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]