4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Kalluumeysato Ajaanib ah oo si sharci darro ah uga jalaabanayay xeebaha J/hoose oo xabsiga la dhigay


Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Ilaa sideed nin oo laba kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Iiraan, lixda kalena ay u dhasheen Hindiya islamarkaana sitay doono nooca kalluumeysiga ayaa shalay gelinkii danbe lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Raggan oo ay doonidii ay ku kalluumeysanayeen kula caarisay Jaziiradda Kudhaa oo qiyaastii 160 km dhanka koonfur galbeed kaga beegan Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka deegaankaasi, waxaana intaa kadib loo soo gudbiyay ayaga iyo doontoodiiba dhanka magaalada Kismaayo.

Gudoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Axmed Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggani ay u xaqiijiyeen in mudo afar bilood ah ay si sharci darro ah uga kalluumeeysanayeen xeebaha gobolka, islamarkaana doonidii ay wateen uu saarnaa kalluun gaaraya 300- oo ton.

Taliyaha Booliska gobolka J/hoose Max'ed Naasir Guuleed oo lagu wareejiyay raggan gacanta lagu soo dhigay ayaa sheegay in ay xabsiga dhigayaan, laguna qaadi doono danbiga ay galeen ciqaabtiisa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa ayadoo dhawaan xukuumadda dalka Hindiya ay ansixisay heshiis ay la galeen dowladda Soomaaliya oo qorayay in Maxaabiiista ay kala qabtaan labada dal ee danbiyada gala ay is weeydaarsadaan si loogu maxkamadeeyo mid kasta dalka uu kasoo jeedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.