4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2017
Wasaaradda A. Dibadda Qadar: Wax wadahadal ah ma galeeyno ilaa Go'doominta nalaga qaado

Talaado, June., 20, 2017 (HOL) –Dowladda Qadar aya sheegtay in aysan wax wada hadal ah la geli doonin dowladaha carbeed ee xiriirada dhinacyada dhaqaalaha iyo safarka u jaray ilaa ay ka laabanayaan go’aankaasi lagu go’doominayo, sida laga soo xigtay wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi.

“Qadar waxaa ay ku jirtaa go’doomin, ma jiro wax wadahadal ah, waa in ay qaadaan go’doominta si aan u wada xaajoonno,” sidaa waxaa yiri Sheekh Max’ed Bin C/raxmaan Al-Taani wasiirka arimaha dibadda Qadar.

“Ilaa hadda ma aragno wax tallaabo ah oo ku saabsan go’doominta in la qaado, taa oo shuruud u ah wax walba oo hore loogu soconayo,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Isaga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Caasimadda ah ee Dooxa, ayuu wasiirku sheegay in wax dalab ah oo ku saabsan wadaxaajood uusan ilaa hadda uga iman dhanka dowladdaha Sucuudiga, Isu tagga imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, kuwaa oo xiriirka u jaray dalkaasi laba todobaad kahor, ayadoo arintaasi ay ka dhigeeyso xiisadihii ugu xumaa ee mudo sanado ah soo mara Khaliijka.

“Waxkasta oo aan dhankooda ka iman ma suurogelin karaan wadaxaajood, ma jirto cid kale oo xaq u leh in ay soo farageliso arimaheenna,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Xiisadaha ka aloosan Khaliijka ayaa saameeyay in uu hakad galo calaaqaadyadii dhinacyada safarrada iyo ganacsiga ee ka dhexeeyay Qadar iyo dalalka kale ee Carbeed ee xiriirka u jaray, wallow dowladda Turkiga ay taageertay Qadar islamarkaana ciidamo u dirtay, halka dalal ay kamid tahay Soomaaliyana ay dhexdhexaad ka noqdeen xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Carbeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.