Khamiis, Janaayo, 26, 2017 (HOL ) -- Hay'adda MSF
ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hawlaheedii dib uga billaabi doonto
Soomaaaliya ka dib markii ay isaga baxday saddex sano ka hor ka dib markii uu
ammaanku aad u xumaaday.
Hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahaynna waxay Soomaaliya ka shaqaynaysay muddo labaatan sano ka badan.
Guatam Chetterje oo ah wakiilka hay’adda MSF ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay'adda ay shaqadeedii dib u billaabi doonto bsiha April ee sanadkan.
Meelaha la filayo in hay’adda howlaheeda ugu horeeya ka bilaawdo ayaa waxaa ka mid ah magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
MSF ayaa joojisay dhammaan barnaamijyadii ay ka waday Soomalaiya sanaddii 2013-kii ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalaha hay'adda lagu bartilmaameedsday weeraro.
Ugu danbeyntii, hay’adda ayaa bixin jirtay adeegyo u badan caafimaad iyo nafaqeynta kumanana kun oo caruur ah o ay barickiyeen abaaraha iyo colaadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]