Nabaddoon xalay lagu dhaawacay magaalad Boosaaso ee gobolka Bari

Khamiis, Janaayo 26, 2017 [HOL]-Koox hubeysnayd ayaa xalay ku dhaawacday gudaha magaalada Boosaaso nabaddoon caan ah.

Nabaddoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Xaaji Faarax. Nabaddoon Muuse ayaa aad looga yaqaan gobolka Bari.

Waxaa uu ka mid yahay nabaddoonada aadka looga yaqaano gobolkaasi Bari waxaana lagu dhaawacay toogasho waqti uu ku sugnaa agagaarka masaajika Alrashiid.

Waxaa durba loola cararay isbitaal halka kooxdii ay meesha ka baxsatay.

Isla markii dhaawac loo geystay nabaddoonka ayaa booliska magaaladaasi bilaabeen baadi goob iyo baaritaano ay ku goobayaan dadkii dhaawacay nabaddoonka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]